Sawirro:-Guddoonka Golaha Shacabka oo ka shiray dhibaatoyinka amni ee Wadada xiriirisa Muqdisho & Baydhabo

Kulanka Guddiga joogtada ah ee golaha shacabka Baarlamaanka JFS oo uu shir guddoominayay ku-simaha madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa waxaa ugu horeyn warbixino looga dhageystay guddiga joogtada ah ee golaha.

Sidoo kale dhismaha ka socda xarunta guddoonka iyo gudiyada ee villa Hargeysa, ayaa looga hadlay kulanka guddiga joogtada ah ee golaha shacabka,waxaana sidoo kale inta uu kulanka uu socday aad looga hadlay dhibaatooyin wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Baydhabo ay kala kulmaan dadka shacabka ah ee wadadaasi ku safra.

Guddoomiyaha golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan, ayaa sidoo kale kormeeray dayacir lagu sameynaya xarunta golaha shacabka oo hadda heer gabogabo ah maraya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor