Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa manta kormeer ku tegay Xarunta Golaha Shacabka Soomaaliya oo dib u dhis lagu sameynayo.
Kormeerkiisa ayaa waxaa ku wehlinayey guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabduweli Ibraahim Muudeey iyo xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka,waxaana ay soo indha indheyeen qaabka uu u socdo dhismaha Xarunta.
Markii la doortay guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa durba bialawday dib u dhiska Xarunta Golaha Shacabka oo ay horay xildhibaano farabadan u sheegeen in guddoomiyaashii soo maray Baarlamaanka aysan ku guuleysan in ay dhisaan.