Sawirro:-Guddoomiye Mahad Cawad oo la kulmay wafdi ka socda dalka Suudaan

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho kula kulmay wafdi ka socday Jaamacadda Omdurman ee dalka Sudan.

Wafdiga waxaa hogaaminaayay Professor Xeydar oo ah guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Omdurman.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta iyo dhiira gelinta tacliinta sare ee labada dal iyo sidii waxbarasho sare loo siin lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Golaha Shacabka uu dhiira gelinayo sare u qaadista waxbarashada.

“Golaha Shacabka waxa uu bogaadinaya wada shaqeynta iyo xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Jaamacadda Omdurman iyo jaamacaddaha dalkeena”. ayuu yiri guddoomiye Mahad.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa dowladda Sudan iyo shacabkeeda kaga mahad celiyay deeqaha waxbarasho oo ay siiyaan ardayda Soomaaliyeed.

Masuuliyintii uu hogaaminaayay guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Omdurman ee dalka Sudan Professor Xeydar ayaa dhankooda Golaha Shacabka ku amaanay dadaalka uu ugu jiro sare u qaadista waxbarashada.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha bulshada ee Golaha Shacabka mudane Cali Cusmaan Xirsi “Cali Jowhar” iyo wasiiru dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya mudane C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim “Baqdaadi”.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor