Sawirro:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Wafdi ka socday Midowga Yurub

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa maanta la kulmay Wafdi ka socday Midowga Yurub oo uu hogaaminayay Fulgencio Garrido Ruiz oo ah Madaxa Siyaasadda Midowga Yurub ee Soomaaliya, waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka Baarlamaanka Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Guddoomiyaha  golaha shacabka JFS, ayaa ugu horeyn wafdigaan uga warbixiyay waxyaabaha u qabsoomay golaha shacabka iyo qorshayaasha hadda u degsan.

waxyaabaha labada dhinac  ay aadka uga wada hadleen waxaa ka mid ah in Midowga yurub uu golaha Shacabka ka taageero dhinacyada farsamada ,inuu tababaro guddiyada golaha shacabka iyo sidoo kale In la helo qubaro ka qeyb qaata diyaarinta shuruucda Dalka muhiimka u ah.

Sidoo kale guddoomiyaha golaha shacabka, ayaa kulan la qaatay gudiga xeer hoosaadka ee golaha shacabka oo ay ka wada hadleen arrimaha xeer hoosaadka iyo qodobada wax ka bedelka u baahan .

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media