Sawirro:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray Magaalada Jigjiga

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo Maanta gaaray Magaalada Jigjiga ee Caasimadda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Garoonka diyaaradaha Garaad Will-Waal ee Jigjiga ayaa Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo wafdigiisa waxaa kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Dowlad degaanka Soomaalida Cabdi Maxamed Aada iyo xubno kale oo ka tirsan maamulkaas.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa inta uu ku sugan yahay waxaa uu kala duwan uu la qaadan doonaa Mas’uuliyiinta Xukuumadda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Guddoomiye Mursal ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya, isagoona kulamo kula soo qaatay dhiggiisa Itoobiya iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media