Sawirro:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray Magaalada Addis Ababa

Magaalada Addis Ababaee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa Maanta waxaa gaaray Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi uu hogaaminaayay.

Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Addis Ababa kusoo dhaweeyay Dhiggiisa dalka Itoobiya iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tiraan dalkaas.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Caasuumad rasimi ah ka helay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Itoobiya, iyagoona kulan qaadan doono, kaasi oo looga hadli doono arrimo kala duwan.

Sidoo kale Guddoomiye Mursal ayaa inta uu ku sugan yahay Addis Ababa waxaa uu kulamo kale la qaadan doonaa Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Itoobiya.

Safarka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Itoobiya ayaa kusoo aadaya, iyadoo Caawa dalka Soomaaliya ay ka maqan yihiin Madaxweye Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, iyagoona ku kala sugan dalalka Kenya iyo Faransiiska, isla markaana uga qeyb galaya Shirar Caalami ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media