Sawirro:-Guddoomiyaha Aqalka Sare oo kulan muhiim ah la qaatay Francisco Madeira

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kulan kula yeeshay Xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah Midowga Afrika Danjire Francisco Madeira , ayagoo ka wada hadlay Xirrirka labada dhinac.

Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddomiye Kuxigeenka 1 aad ee Aqalka Sare Mudane Moowlid Xuseen Guhad,Habdhowraha Aqalka Sare Senator Cabdi Kaafi Macalin Xassan iyo Xog-haye Kuxigeenka Aqalka Sare.

Kulanka waxaa sidoo kale looga hadlay arrima dhowr ah oo ay kamid tahay;

Awoodaha loo xilsaaray (Mandate) AMISOM oo wax kabadal Cusub lagu sameeyay goor dhaw.

Sidoo kale waxaa looga hadlay arrinta dowlad Goboleedka xubinta ka dowlada Federaalka ee Galmudug iyo sida xalinteeda looga qeyb qaadana lahaa.

Danjire Francisco Madeira ayaa weeydiiyay macluumaad ku saabsan Shirka Garoowe ee ay Maddaxda Xukuumada iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka Soomaaliya ay isugu yimadeen asagoo ka wareeysatay Gudoomiyaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federalka Soomaaliya.

Ugu dambeeyntii waxaa kulanka looga hadlay kulanka arrima ku saabsan Guddiga Doorashooyinka ayadoona la’isku waafaqay in la joogteeyo xirrirka labada dhinac.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media