Sawirro:- Guddoomiyaha Aqalka sare oo ka qeybgalay Sanad guurada 21-aad ee golaha Abwaannada Soomaliyeed

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya mudane; Cabdi Xaashi C/llaahi, ayaa Maanta ku baaqay in la qoro, lana keydiyo Riwaayadaha ay sameeyaan Abwaaniinta Soomaaliyeed, si ay Bulshadu u barato Taariikhda Fanka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha oo ka qeyb galay xuska Sanad guurada 21-aad ee golaha Abwaannada Soomaliyeed oo 19 September, laguna qabtay  xarunta Academyada cililmiga Fanka iyo Suugaanta, ayaa ku dheeraaday baahida loo qabo keyd Fan iyo oo buuxa.

Mudane;Cabdi Xaashi, ayaa sheegay in Taariikhda Fanka ee Caalamku ay leedahay keyd isugu jira mid duuban iyo mid qoran, halka Soomaaliyana anay jirin cid isku howsha, isagoo ku baaqay in dhammaan Suugaanta Soomaaliyeed loo sameeyo diiwaanno si loo tixraaco uguna faa’iideystaan Ardayda wax ka barata Duwgiyada iyo Jaamacadaha Dalka.

Waasirka warfaafinta  dhaqanka iyo dalxiiska Soomaliya mudane; Mohamed Cabdi Xayir (Maareeye), oo kulankaasi ka qeyb galay ayaa isna sheegay in Abwaanka Soomaliyeed uu yahay mid aan sinnaba looga maarmin marka la eego xagga wacyi gelinta Bulshashada, isagoo xusay in ay door weyn ka ciyaareen baraarujinta Dad weynaha.

Wasiir maareeye ayaa sheegay in ay wasaaraddiisu si buuxda ula shaqayn doonto golaha Abwaaniinta Soomaaliyeed.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media