Sawirro:-Guddoomiyaha Aqalka sare & Madaxweynaha Puntland oo kulan gaar ah yeeshay

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya, Mudane; Cabdi Xaashi C/llaahi, ayaa Maanta Magaalada garoowe kula kulmay Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntalnd, Siciid C/laahi Deni.

Mudane; Xaashi ayaa waxaa kulanka uu la qaatay Madaxweyne Siciid Deni ku wehliyay xubno ka tirsan wafdigii uu hoggaaminayay oo ka tirsan Goalayaasha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa ahaa soo dhoweyn iyo kala war qaadasho, waxaana markuu soo dhammaaday warbaahinta Qaranka uga warbixiyay Senotar.;Mahdi Daahir Sheekh Nuur, isagoo sheegay in ay iyaga iyo Madaxweynaha iska waraysteen waxyaabo hoose oo ay ka mid yihiin wada shaqaynta Labada dhinac.

Mas’uuliyiinta ka socota Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi, ayaa Shalay gaaray Magaalada Garoowe, si ay ugu qeyb galaan Caleema-saarka Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland, Siciid C/llaahi Deni iyo ku xigeenkiisa oo dhowaan la doortay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media