HomeWararSawirro:-Guddiga qaban qaabada maalmaha xorriyadda oo bilaabay Shaqooyinkooda

Sawirro:-Guddiga qaban qaabada maalmaha xorriyadda oo bilaabay Shaqooyinkooda

Date:

Related stories

Muqdisho: Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay ‘Wadnaha’ Dhaqaalaha Badda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay xarunta cusub ee Wasaaradda Dekedaha, isagoo ku dhawaaqay qorshe cusub oo lagu sugayo amniga badda iyo ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah.

Dekedaha Iiraan iyo Cadaadiska Trump: Ma la gaaray xilligii xabbad joojin rasmi ah mise waa xeelad cusub?

Donald Trump oo go'aan layaab leh ka qaatay Iiraan: Xabbad-joojin la kordhiyay iyo xanibaado cusub oo lagu adkeeyay dekedaha.

NISA Confirms Airstrike in Guulane Kills Al-Shabaab Members

The first operation targeted a house where Al-Shabaab leaders and militiamen were stationed. At least 15 members were killed in the strike. The militants' base was also destroyed, which they had been using to organize militias and plan acts of destabilization.

Iiraan oo awooddeeda tustay caalamka xilli xabbad-joojin la hadal hayo.

Iiraan oo soo bandhigtay gantaal gaaraya 2,000 KM xilli la hadal hayo xabbad-joojin uu ku dhowaaqay Donald Trump.

Turkey Expands Its Role in Counterterrorism Operations in Somalia

"Türkiye will directly support the efforts of Somali forces against Al-Shabaab and ISIS," Fidan said, elaborating on plans to expand security cooperation and counterterrorism operations.

Wasiirka Wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee xukuumadda Soomaaliya, mudane Daahir Maxamuud Geelle, ahna guddoomiyaha guddiga qaban qaabada maalmaha xorriyadda dalka oo uu wehliyo wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa maanta kormeer howleed ku tagay xarunta wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasiirada iyo masuuliyiintii kale ee la socotay ayaa waxaa xarunta wasaaradda ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe)  isla markaana xubin ka ah guddiga.

U jeedada kormeerka wasiiradan ayaa aheyd u kuur gelida hanaanka loo carbiyay ciidanka xoogga dalka ee ka qeyb qaadan doono dabaaldega maalinta xorriyadda oo wasiirka Gaashaandhigga, mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) uu halkaas ku diyaariyay.

Cutubyada ka tirsan ciidanka xoogga dalka ee loo diyaariyay in ay ka qeyb qaataan fantasiyaha iyo damaashaadka 1-da Luulyo ayaa xarunta wasaaradda gaashaandhigga ku soo bandhigay gaarti ka cayaar iyadoo mas’uuliyiinta ay sheeda ka daawanayeen.

Wasiirka Gaashaandhigga mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) ayaa xubnaha kale ugu warbixiyay sida loo diyaariyay ciidankan, isagoo u mahadceliyay wasiiradda kormeerka ku yimid xarunta wasaarada.

U diyaar garowga, maalinta qiimaha badan ee 1-da Luulyo oo ah maalinta xorriyadda iyo israacii labadii gobol ee Soomaaliya ee Koofur iyo Waqooyi ayaa si dardar leh ku socota, iyadoo dowladda Soomaaliya u xil saartay guddiga wasiiro ah oo uu guddoomiye ka yahay wasiirka warfaafinta Soomaaliya, mudane Daahir Maxamuud Geelle.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories