Sawirro:-Guddiga Doorashada Galmudug oo Maanta kulan yeeshay

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa Manata waxaa kulan ku yeeshay Guddiga farsamada Maamul u dhisidda Galmudug oo ay Magacaawday dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ay yeesheen Guddigan ayaa waxaa looga hadlay arrimaha Doorashooyinka Galmudug ee dhawaan la filaayo inay ka dhacaan Magaalada Dhuusamareeb, iyadoona haatan ay socdaan qorshaha lagu dhisayo Galmudug.

Sidoo kale ayaa Guddigan Dhuusamareeb ka wada dardar gelinta dadaalladda lagu dhameystirayo geeddi socodka dhismaha Galmudug loo dhanyahay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha dib u heshiisiinta ayaa wada qorshaha lagu dhisayo Galmudug Cusub oo loo dhanyahay, waxaana Dhuusamareeb ku sugan Wasiir Cabdi Maxamed  Sabriye oo kulamo kala duwan halkaas ka wada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media