Sawirro:-Guddiga Diyaarinta Sharciga Doorshooyinka oo weli kulamo ka wada Muqdisho

Guddiga Golaha Shacabka ee u xilsaaran Diyaarinta Sharciga Doorshooyinka Qaranka ayaa maanta Xarunta UN kulan kula yeeshay UNSOM qeybteeda Integrated Electoral Support Office (IESG).

Kulankan ayaa ka mid ah kullamada uu Guddiga la yeelanayo Hay’adaha daneeya Arrimaha Doorashooyinka Qaranka.

Kulankan waxaa shir-guddoominayey Guddoomiyaha Guddiga Xil. Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Eng. Carab).

Guddiga Golaha Shacabka ee u xilsaaran Diyaarinta Sharciga Doorshooyinka Qaranka ayaa shalay Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay haweenka labada Aqal ee BJFS.

Xildhibaanada Haweenka ah ee labada aqal Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa guddiga ugudbiyey talooyinkooda ku aaddan Sharciga Doorashooyinka Qaranka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media