Sawirro:-Guddiga A/Dibadda Baarlamaanka oo walwal ka muujiyay in Somalia ka mid noqoto Isbaheysi lagu Go’doominayo Jabuuti

Kulan Mudo saacado ah socday ayaa Guddiga Arrimaha Dibada ee Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu la qaatay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray howsha Wasaaradda iyo Miisaaniyada Sanadeedka 2019 ee Wasaaradda iyo sidii loo dabooli lahaa baahiyaha farabadan ee Wasaarada.

Hayeeshee intii uu kulanka socday ayaa Guddiga Wasiiru dowlaha  weeydiiyeen.waxa uu kala socdo wararka sheegaya in dowladaha itoobiya iyo Eretria ay doonayaan  in ay la galaan Somalia heshiis Saddexda Dowladood ay ku yelanayaan hal Madaxweyne warkaas oo laga soo guuriyay R/wasaraha Ethiopia.

Wasiiru Dowlaha ayaa u sheegay Guddiga in Warkaasi uu yahay mid been abuur ah,isla markaana uusan jirin shir arrimahaasi looga hadlay.

Dhinac akale Guddiga ayaa waxaa ay welwel ka muujiyeen muujiyeen in Somalia ay ka mid noqoto isbahaysi lagu go’doominayo dowladad jabuuti. amaba keeni kara in cadaadis lagu saaro dowladda aan walaalaha nahay ee jabuuti oo mudo dagaal kula jirtay dowladda Eriteriya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor