Sawirro:-Golaha Cusub ee Wasiirada Hir-Shabeelle oo la dhaariyay

Madaxweynaha  Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Furay kalafadhiga 5-aad Ee Barlamaanka Dowladda Hirshabelle, iyadoo Madaxweynuhu uu sheegay inta baarlamaanka uu furanyahay, in Hirshabelle ay ka hirgali doonaan Ilaa 16 Mashruuc oo muhiimad gaar ah u leh Bulshada.

Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle, Sheekh Cismaan Barre, Gudoomiye Ku Xigeenka labaad ee Baarlamaanka Marwo Canab, Xubno ka tirsan Labada Golle ee Dowladda Hirshabelle, iyo saraakiil Ka tirsan Ciidanka Hirshabelle ayaa goob joog ka ahaa munaasabadda furitaanka Falafadhiga Baarlamaanka.

Gaba gabadii Waxaa hoolka Baarlamaanka lagu dhaariyay Xubnaha Golaha Wasiirada Cusub ee maalin ka hor uu magacaabay Madaxweyne Waare.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor