Sawirro:- Gen. Bashiir Ameeriko oo la kulmay Haweenka ku jira Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa maanta kulan dhiiri gelin ah la qaatay qaar kamid ah Haweenka ku jira Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kuwaasi oo isugu jiray Saraakiil iyo Saraakiil xiggeeno.

Gen. Bashiir Ameeriko, ayaa ku dhiiri geliyey haweenkaasi Ciidanka Booliska ka midka ah sida howlkarnimada ay ka muuqato ee ay ugu shaqeynayaan Qaranka, waxaana uu ku booriyey inay sii laba jibaaraan shaqada, masuuliyad gaar ahna ay iska saaraan.

Qaar kamid ah Haweenkii isugu jiray Saraakiisha iyo Saraakiil xiggeenada oo kulankaasi ka hadlay, ayaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko ku ammaanay sida dardarta leh ee uu u wado shaqada Ciidanka Booliska, iyaggoo xusay in dhankooda masuuliyada saaran ay kasoo dhalaali doonaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media