HomeWararSawirro:-Farmaajo oo Maanta tababar u soo xiray Saraakiil iyo Saraakiil xigeeno

Sawirro:-Farmaajo oo Maanta tababar u soo xiray Saraakiil iyo Saraakiil xigeeno

Date:

Related stories

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay munaasabad tababar loogu soo xirayey Dufcaddii 3-aad ee Layli Saraakiil iyo Dufcaddii 4-aad ee Layli Saraakiil Xigeen ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo ka qalin-jebiyey Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TurkSom ayaa abaal-marinno guddoonsiiyey Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeennada galay kaalmaha hore. Madaxweynaha ayaa tilmaamay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay munaasabad tababar loogu soo xirayey Dufcaddii 3-aad ee Layli Saraakiil iyo Dufcaddii 4-aad ee Layli Saraakiil Xigeen ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo ka qalin-jebiyey Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TurkSom ayaa abaal-marinno guddoonsiiyey Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeennada galay kaalmaha hore.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeennada maanta qalinjabiyey looga baahan yahay in ay hormuud u noqdaan qorshaha Qaran ee dhismaha Ciidammada Qalabka Sida, safka horena ka galaan la-dagaalanka Al-shabaab.

- Advertisement -

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka, qalabayntooda iyo tayeyntooda, si dib loogu soo celiyo cududda iyo tayada ay ku tilmaaman yihiin Cidiimmada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.”

Farmaajo ayaa xusay in dowladdu ay ku guuleysatay barnaamijka tababarka iyo tayeynta Ciidamada Xoogga Dalka, iyada oo dugsiyada tababarka ee gudaha dalka lagu leylinayo Saraakiil iyo Saraakiil Xigeenno hanan kara tayeynta iyo hoggaaminta Ciidanka.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga dadaalka ay ku bixiyeen in saraakiishan lagu carbiyo dalka gudihiisa, waxa uuna xusay in xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya uu yahay mid ku dhisan walaaltinimo iyo iskaashi mug weyn.

- Advertisement -

Munaasabaddan waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Mehmet Yilmaz, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud, Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga Cabdifataax Qaasim Maxamuud, Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Cabbaas Amiin Cali, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts