Sawirro:-Farmaajo oo gaaray Magaalada Kinshaasa iyo ujeedka safarkiisa

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya ee muddo xileedkiisa dhammaadauy Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Kinshaasa ee Caasimadda dalka Koongo halkaas oo booqasho labo maalmood ah ay uga bilaabantay.

Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Injiili ee Koongo Madaxda Dalkaas oo muujinayey mudnaanta xiriirka labo geesoodka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ayaa ku qotoma kor u qaadidda iskaashiga diblomaasiyadeed ee labada dal iyo midka heer qaaradeed ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ciribtirka fakhriga iyo xagjirnimada.

Diblumaasiyiinta ku wehelinaya safarkan Madaxweynaha dowladda ayaa inta ay ku sugan yihiin Koongo waxa ay kulan-doceedyo la qaadan doonaan dhiggooda dalkaas iyo Madax kale oo ka tirsan Midowga Afrika.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor