Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax gaari oo ka dhacay Afaafka hore ee Hotelka Maka Almukarama ee Magalada Muqdisho.
Qaraxaas ayaa ahaa mid lagu xiray Gaari uu lahaa Xildhibaan Daahir Amiin Jeezow oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacbaka Soomaaliya.
Wararka aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in Xilliga gaariga Xildhibaanka uu qarxayay uu ku jira Carwo,isla markaana uu ku dhaawacmay darawalka Gaariga iyo Ruux kale oo Xildhibaanka la socday.
Labada ruux ee dhaawacantay ayaa waxaa loo qaaday mid ka mid ah isbitaalada ku yalla Magalada Muqdisho.
Qaraxaan ayaa kusoo aadaya xilli isla Maanta Qarax Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Garigiisa loogu uu ka dhacay Xaafada Soonakey ee degmada Hodan Gobolkan Banaadir.