Sawirro:-Ergada D/Ceeldheer ee ka qeyb galeysa Dib u heshiisiinta Galmudug oo gaartay Dhuusamareeb

Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug iyo dhaqanka magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta si wadajir ah garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ugu soo dhaweeyay ergada degmada Ceeldheer ku meteleysa shir-weynaha looga tashanayo aayaha Galmudug.

Nabadoon Cabdullaahi Geedi Shadoor oo hoggaaminayay ergada maanta soo gaartay magaalada madaxda dowlad gobaleedka Galmudug ayaa u mahad celiyay guddiga dib-u-heshiisiinta, Madaxda Galmudug, dowladda federaalka iyo dhamaan inta gacanta ka geysatay dadaallada dib-u-dhiska Galmudug.

Guddomiye ku-xigeenka guddiga dib-u-heshiisiinta Galmudug, Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel) ayaa uga mahad celiyay ergada Ceeldheer aqbalaadda casuumaadii ay u fidiyeen, ayna usoo diyaar garoobeen ka qayb galka shir-weynaha lagu doonayo in reer Galmudug ay aayahooda uga tashadaan.

Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel) ayaa u rajeeyay in ay qaybta uga aadan ka qaadan doonaan shirka dib-u-heshiisiinta ee dhawaan ka furamaya magaaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug si loo laba jibbaaro shaqada balaaran ee horumarka deegaanka lagu baadi goobayo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media