Sawirro:-Eedda iyo Caddeymaha Agaasimeyaal u xiran Dowladda oo lasoo Bandhigay

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 30/06/2020 ka qeyb galay dhageysiga Dacwadda Musuq Maasuqa ah ee loo haysto eedeysanayaal ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka JFS.

Dhageysiga dacwadda ayaa ahayd mid uu Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ku soo bandhigayay caddeymaha iyo eedda loo haysto qaar ka mid ah 9-ka eedeysane ee ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka.

Waxaana maanta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka u suura gashay in uu Maxkamadda iyo dadweynaha kasoo qeyb galay dacwadda hortooda kusoo bandhigo eedda iyo caddeymaha sida gaarka ah loogu haysto eedeysanayaasha kala ah

1-Xisaabiyaha Mashruuca (C4D Health Promotion), Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Guud, Maamulaha Mashruuca Hooyada iyo dhallaanka, Maamulaha Mashruuca wacyigelinta Caafimaadka iyo Agaasimaha adeega Caafimaadka iyo Saadka ee Wasaaraddda Caafimaadka.

Ugu damebeyn Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka ayaa Maxkamadda ku wareejiyay agabkii dembiga lagu galay oo ay kamid ahaayeen Computer-ro iyo buugaagta lacagta lagu jaro.

Intaa kaddib ,Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa go’aamisay in dib laga soo muddeeyo dhameytirka soo Bandhigista eedda iyo caddeymaha eedeysanayaasha kale ee haray ee Wasaaradda Caafimaadka ee dacwaddan ku eedeysan .

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media