Sawirro:-Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray dhismaha Waddo muhiim ah

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xariga kajaray dhismaha wadada isku xirta Isgoosyada Siinaay iyo Baar-ayaan ee degmooyinka Warta-Nabada iyo Yaaqshiid.

Munaasabadda xarig jarta Wadada ayaa waxaa goobjoog ka Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyada Gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahad-Alle (Ibraahim Dheere), Gudoomiyaha Degmada Warta Nabada Seynab Xabsey, xubno oo ka tirsan Maamulka Gobolka iyo dadweyne farabadan.

“Waxaan maanta xariga kajaray dhismaha wadada isku xirta Siinaay iyo Baar-Ayaan ee degmooyinka Warta Nabada iyo Yaaqshiid”ayuu yiri Cumar Finish.

Ugu dambeyntii Duqa Muqdisho mudane Cumar Filish ayaa kula dardaarmay bulshada Caasimadda kunool iney xoojiyaan ilaalinta nadaafada iyo bilicda waddooyinka.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media