Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Caawa u ambabaxay Dalka South Africa Gaar ahaan Magaalada Durban Halkaasi oo uu uga Qeyb gali Doono Shirka Global Parliament of Mayors (GPM).
Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusii sagootiyay guddomiye ku-xigeenka dhinaca maamulka iyo maaliyadda iyo saraakiil ka tirsan booliiska Soomaaliya.
Inta ku suganyahay magaalada Durban ee dalka Koomfur Africa waxa uu kulamo la qaadan doonaa masuuliyiinta baarlamaanka maayarada magaalooyinka isaga oo kala hadli doona iskaashiga iyo wax wada qabsiga.