Sawirro:-Duqa Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Xafiiskiisa Kulan gaar ah Kula qaatay Wafdi oo hogaaminayay Wakiilka Hey’ada QM u Qaabilsan Barnaamijka Horumarinta Aduunka ee UNDP Qeybteeda Soomaaliya Mr. Jocelyn Mason Kaas oo ay Kaga Hadleyn Dhowr Qodob oo Quseeya Horumarinta Caasimadda.

Qodobada Laga Hadlay Waxaa Kamid ahaa Gargaarka Barakacayaasha, Fulinta Mashaariic Waxtar uleh Bulshada, Dhismaha Xarumaha Danta guud, Shaqa abuurka Dhallinyarada iyo arimaha La Xariira Kobcinta Dhaqaalaha.

Shirkan Kadib Waxaa Warbaahinta La hadlay Wakiilka Hey’ada QM u qaabilsan Barnaamijka horumarinta Aduunka ee UNDP Qeybteeda Soomaaliya Mr. Jocelyn Mason.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) Waxa uu Tilmaamay in Hey’ada UNDP ay isku afgarteen in sida ugu Macquul Loo hirgaliyo Waxyaabihii Laga Wada Hadlay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media