Sawirro:-Duqa Muqdisho oo la kulmay dhigiisa Magaalada Geneva

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Abdirahman Omar Osman (Eng Yarisow) oo la kulmay dhiggiisa Duqa magaalada Geneva ee dalka Switzerland Mudane Sami Kanaan ayaa kala hadlay hirgelinta xiriirka iyo wadashaqeynta labada magaalo.

Eng Yarisow ayaa uga mahadceliyey Duqa Geneva soo dhoweynta iyo martigelinta, isagoona uga warbixiyey horumarka Caasimadda, caqabadaha jira iyo qorsheyaasha lagu horumarinayo.

Duqa Muqdisho ayaa la wadaagay dhiggiisa Geneva qorsheyaasha Maamulka Banaadir ee la xiriira xal u helista dhibaatooyinka barakacayaasha, waxa uuna soo bandhigay qorshaha xalka waara ee barakacayaasha oo Maamulka Gobolka Banaadir ay bartilmaamsanayaan sannadka 2022-ka.

Dhankiisa, Duqa Geneva Mudane Sami Kanaan ayaa ka mahadceliyey booqashada Duqa Muqdisho, isagoona tilmaamay sida ay uga go’an tahay in la xoojiyo xiriirka Dowladaha Hoose ee Geneva iyo Muqdisho, iyo dhaqan gelinta qorsheyaasha lagu horumarinayo Caasimada Muqdisho.

Sidoo kale, Duqa Muqdisho ayaa la kulmay Duqa magaalada Bristol ee Dalka Ingiriiska Mudane Marvin Rees, iyagoona ka wada hadlay sidii la isu dhaafsan lahaa khibradaha la xiriira adeegyada Dowladaha Hoose iyo teyeynta shaqaalaha.

Eng. Yarisow ayaa ku dhiirri geliyey Maamulka magaalada Brisol in ay ku gacan siiyaan Dowladda Hoose ee Xamar tayeynta shaqaalaha ku hawllan bixinta adeegyada asaasiga ah, faya dhawrka iyo naqshadaynta magaalada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor