Sawirro:-Dowladda Uganda oo ku dhawaad 2,000 oo Askari u soo diraysa Somalia

Hoggaanka Taliska Ciiddanka Uganda waxay shalay ansixiyeen in Somalia loo soo diro Ciiddamo tiradooda dhan tahay 1,800 Askari, kuwaasi oo qeyb ka noqon doonaa Ciiddanka Hawlgalka AMISOM.

Taliyaha Ciiddanka Dhulka ee dalka Uganda, Jeneral David Muhoozi ayaa hadalkaasi kaga dhawaaqay Munasaabad lag uqabtay Xraunta Tababarka ee Taageeradda Hawlgalladda Nabadda ee SINGO oo ku taalla Degmadda Nakeseke ee dalkaasi.

Waxa uu tilmamay in ciiddankaasi dhawaan loo daabuli doono Somalia, si ay gacan uga geystaan La-dagaalanka Alshabaab iyo inay gacan ka geystaan soo-celinta Nabadda  iyo Deganaanshaha Somalia.

“Hawlgalka Somalia ma aha mid Jimcsi iyo Raaxaysi, waa xaallad dagaal” ayuu yiri Taliyaha Ciiddanka Dhulka ee dalka Uganda oo kula dardarmay ciiddanka inay la yimaadaan Dishibiliin iyo inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan.

Dhinaca kale, Ciiddanka cusub ee Uganda u soo dirayso Somalia waxaa Taliye u ah Kolonel Kosiya Kuteesa, waxaana Ku-xigeenka u noqon doona Kolonel Rogeris Okiror.

Si kastaba ha ahaatee, Ciiddanka Uganda ayaa ah Ciiddanka ugu badan Hawlgalka AMISOM, waxayna tiradooda gaaraysaa in ka baadan 6,000 oo Askari.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media