Sawirro:-Dowladda Soomaaliya oo wafdi u dirtay london

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta u duulay dalka Ingiriiska oo kamid ah dalalka xariirka soo jireenka ah uu kala dhexeeyo Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka ayaa kulamo looga hadlayo adkaynta xariirka soo jireenka ah ee labada dawladood waxa uu la qaadayanaa hoggaanka boqortooyada Ingiriiska.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sidoo kale inta uu joogo dalka Ingiriiska waxa uu kulamo la qaadanayaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas oo uu kala hadlayo ka qayb qaadashada horumarinta dalka.

Himilooyinkeeda tubta Siyaasadda loo dhanyahay oo kamid ah afarta tubood ee qaranka ayaa waxaa kamid ah xoojinta xiriirka caalamiga ah iyo iskaashi danta Soomaaliya ku jirto oo aan dunida inteeda kale la yeelanayo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media