Sawirro:-Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay qeyb ka mid ah Barnaamijka deynta looga cafinayo

R/wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xassan Cali Kheyre ayaa kormeer shaqo iyo bogaadin ku tagay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Dalka, kadib guul ay wasaaraddu ka soo hooysay dakhliga gudaha Sadexdii Bilood ee la soo dhaafay.

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in sare loo qaado Dakhliga Dowladda soo gala taasoo Sadexdii bil ee lasoo dhaafay ay noqotay mid aad uga sareysa sanadihii hore dakhliga soo xaroon jiray.

R/wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa madaxda Wasaaradda Maaliyadda ka dalbaday in ay xoogga saaraan uruurinta Canshuuraha Barriga, iyadoona Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Beyle uu balan qaaday howshaasi in si wada jir ah loo qabanayo.

Wasiir Bayle ayaa timaamay in ay socoto howsha Canshuuraha islamarkaana waxa uu cadeeyay Wasiirku amaanta in ay mudanyihiin shaqaalaha ku howlan arrinkaasi.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa maalmihii la soo dhaafay waxay si xowli ah diirada usaareysay sare u qaadida Dakhliga gudaha oo la doonayo in uu kor uga koco sidii uu ahaa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media