Sawirro:-Dowladda oo Dekadda Muqdisho ka mamnuucday Gaadiidka sida xad dhaafka ah loo raro

Iyaddoo R/wasaare ku xiggeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo si rasmi ah Xalay u furay in Dekadda Magaaladda Muqdisho markii ugu horreysay burburkii kadib ay si toos ah u shaqeyneyso Habeen iyo Maalin (24 Saac), ayaa maanta Taliska Ciidanka Booliska, gaar ahaan Hoggaanka Canshuuraha ee Ciidankaasi, waxuu soo saaray Amaro ku socda Ganacsatada iyo gaadiidleyda Isticmaasha Dekadda.

Dekadda Magaaladda Muqdisho, ayaa maanta waxaa kulan ku yeeshay Guddi ay ku mideysan yihiin Ganacsatada iyo Gaadiidleyda Soomaaliyeed iyo Taliyaha Hoggaanka Canshuuraha ee Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo uu wehliyaan Taliyaha Hoggaanka Ilaalada Nabad gelyada wadooyinka, Taliyaha Saldhiga Booliska Dekadda iyo Saraakiil kale.

Kulankaasi, ayaa waxaa si aad ah looga hadlay siddii loo joojin lahaa Gaadiidka sida xad dhaafka loo raro ee ka baxa Dekadda Muqdisho oo dhibaato aad u weyn ay ka dhalato, kuwaasi oo mararka qaar ku Rogmada Wadooyinka Muqdisho, islamarkaana ay ka dhashaan Qasaaro isugu jira Naf iyo Maal.

Maxamed Xirsi Xaashi oo ah Afhayeenka  Guddiga Ganacsatada iyo Gaadiidleyda Soomaaliyeed, ayaa Dowladda kaga mahad celiyey suurto gelinta ay suuro gelisay in ka badan 28 sano kadib in  xilli habeen ah ay shaqeyso Dekedda magaalada Muqdisho, waxaana uu tilmaamay in ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada Horumarka dalka.

Taliyaha Hoggaanka Canshuuraha ee Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Cabdullaahi Xasan Bariise oo la hadlay Warbaahinta Qaranka , ayaa sheegay in la joojiyey in Dekadda Muqdisho uu ka baxo Gaadiid Rarkiisa uu Xad dhaaf yahay,  in Gaari Waqtigiisa dhammaaday Dekadda uu ka qaado Badeeco iyo Jididka gaadiidka ay u maraan siddii loogu talo galay.

“Laga Bilaabo maanta waxaa la joojiyey in Dekadda uu ka baxo Gaadiid rarkiisa uu xad dhaaf yahay, Gaari Waqtigiisa uu dhammaaday iyo in wadooyinka siddii loogu talo galay loo maro,  Ganacsatada waxay naga codsadeen in Gaariga markuu ka baxo Dekadda ilaa iyo uu ka tagayo goobtii loogu talo in amnigiisa la sugo, waana ka aqbalnay” ayuu yiri Gen. Bariise.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor