Sawirro:-Dowlada Qatar oo Soomaaliya ugu deeqday 68 Gawaarida Gaashaaman ah

Dowladda Soomlaiya ayaa Maanta dowladda Qatar kala wareegtay qaar ka mid ah Gaadiidka nooca gaashaaman oo loogu talo galay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Gaadiidkaan oo gaaraya 68 ayaa waxaa Dowladda Qatar kala wareegay Munaasabad kooban oo ka dhacday Muqdisho,wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) iyo taliyaha ciidanka xooga Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe)

Mas’uuliyiin ka socotay dowladda Qatar  ayaa waxa ay sheegeen in Gaadiidkan ay ugu talo galeen inay ku howlgallaan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee dagaalka kula jira dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) aya dowladda Qatar uga mahad celiyay taageerada ay marwalba la garab taagan tahay soomaaliya iyo Gaadiidka nooca gaashaadhaan oo ay Maanta ugu deeqday.

Taliyaha Ciidanka xooga dalka sareeye gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) ayaa dhawaan Muqdisho kula kulmay Saraakiil ka socotay Taliska Malatariga Dalka Qatar,kuwaas oo balan qaday inay Ciidamada xooga dalka ka caawin doonaan dhinaca tababarada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor