Maanta oo Isbiin ah waxaa sirasmi ah deegaanada kala duwan ee maamulka Soomaaliland uga bilaabatay doorashada Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland.
Dhamaan Gobolada uu ka kooban yahay Maamulkaas ayay dadku u codeynayaan si nabadgelyo ah,waxaana saakay waaberigii hore ay dadku bilaaben in ay u kala codeeyaan Saddexda Musharac ee doorashada ku tartamaya.
Magaalooyinka waaweyn ee Sooamaliland ayaa lagu arkayaa dadka oo six or ah u codeynaya,waxaana dhamaan Hawada lag saaray Baraha ay Bulshada isticmaasho si aan loogu soo gudbin Warar borabagaando ah.
Doorashadaan oo ah markii Saddexaad ayaa waxaa ku tartamaya Saddexda Musharax ee Xisbi Siyaasadeed ee Soomaaliland oo kala ah Cabdiraxmaan Cirro oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani feysal Cali Waraabe oo ka mid ah Xisbiga UCID iyo Muuse Biixi Cabdi oo ka socda Xisbiga hadda talada haya ee Kulmiye.
Warbaahinta Soomaalida iyo Caalamka ayaa Maanta doorashadaas si iskumid ah u tebanaya, waxaana Goobaha doorashooyinka ay ka dhacayaan ku sugan Wariyayaal farabadan oo tebinaya.
Hoos ka Daawo Sawirrada Doorashada Soomaaliland.