Sawirro:-Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo goordhow bilaabaneysa

Waxaa maanta magaalada Baydhabo ka dhaceysaa doorashada madaxtinimo ee Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana doorashada ku tartamaya ila shan musharrax.

Waxay musharrxiinta kala yihiin,Aadan Maxamed Nuur Saransoor, Xuseen Cismaan Xuseen, Ibraahim Macalin Nuunow,Seyid Axmed Sheeikh Daahir iyo Cabdicaziiz Xasan Maxamed Laftagareen.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si wayn loo adkeeyay, waxaana ammaanka goobta ay doorashada ka dhaceysa la wareegay ciidammada Midowga Afrika gaar ahaan kuwo Itoobiya.

Waddooyinka magaalada waxaa la dhigay ciidamo boolis iyo kuwo militari ah.

Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa maanta la filaya inay soo doortaan madaxweynaha cusub uu maamulkaasi yeelanayo markii uu dhawaan iscasilay Shariif Xasan Sheeikh Aadan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor