Booliska dalka Australia ayaa sheegay in hal qof, dhowr kalena lagu dhawaca Toogasho Waaberigii hore ee saakayto ka dhacay Dhismo lagu caweeyo oo ku taalla magaalladda 2-aad ee ugu weyn Australia ee Melbourne.
Toogashadaasi ayaa waxaa lagu dilay Ilaaliye dhinaca Ammaanka oo 37-jir ahaa, halka 4 kalena lagu dhaawacay, iyadoo mid ka mid ah oo 28-jir ah la sheegay inay xaalladiisa aad u liidato.
Boliska waxay tilmaameen in dabley wadatay gaari xawli ku socday ay geysteen Toogashadaasi oo ka dhacday duleedka Dhismo lagu caweeyo oo lagu magacaabo The Love Machine nightclub ee magaalladda Melbourne.