Sawirro:-Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Shil ka dhacay Gobolka Sool

Wararka aan heleyno deegaan duleedka ka ah Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay Shil sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Shilkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii gaari ay la socdeen  shan ruux oo ku dhacay togga loo yaqaanno Waqa-Deri oo ku yaalla deegaan duleedka ka ah Laascaanood.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in hal ruux oo ku dhintay Shilka, halka 5 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo saarnaa gaariga togga ku dhacay, waxaana uu ka yimid deegaan lagu magacaabo DOCMO, iyagoona kusii jeeday Magaalada Laascaanood.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa gaaray halka uu falka ka dhacay, iyagoona gurmad u sameeyay dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay shilka, waxaana dadka dhaawacmay loo qaaday dhanka Laascaanood.

Si kastaba inta badan Shilalka ka dhaca deegaanada Somaliland ayaa waxaa loo sababeyaa Waddooyinka ku yaalla halkaas oo ah kuwo aad u burbursan iyo Darawalada oo si xawaare ah kuwa gaadiidka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media