Sawirro:-Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Gaari ku Rogmaday duleedka Cadaado

Wararka naga soo gaaraya duleedka Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayan in halkaasi Maanta uu ku rogmaday gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Galmudug.

Gaariga rogmaday oo ahaa nooca dagaalka ah,isla markaana ay la socdeen askar badan ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawacay oo soo gaaray Askartaas.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in shilkaas uu hal Askari ku geeriyooday,halka 6 kalena ay ku dhaawacmeen,kuwaasi oo loo qaaday Isbitaalka guud ee Magaalada Cadaado.

Sidoo kale goobta uu falka ka dhacay ayaa waxaa tegay dadka deegaanka,iyagoona gurmad deg deg ah u sameeyay Askarii ku waxyeeloobay gaariga Rogmaday,iyadoona uu burburay gaarigaas.

Shilalka iyo Rogmashada gaadiidka ay saaran yihiin Askarta ayaa waxaa inta badan loo sababeyaa Darawalada wada gaadiidka,kuwaasi oo si xawaare ah u kaxeeya xiliyada ay marayaan Wadooyinka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media