Sawirro:-Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaal ka dhacay Xaafad ka mid ah Muqdisho

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaal Maqribnimadii caawa Ciidamo ka wada tirsan dowladda ku dhex maray qeybo ka mid ah Magalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay koontorool ku dhow Kulliyada Jaale Siyaad,waxana la sheegay in uu u dhaxeeyay Ciidamo ka wada tirsan dowladda oo kala ahaa Nabadsugid iyo Millateri.

In kastoo sababta dagaalkooda aan weli la shaacin ayaa dad goobjoogayaal ahaa waxa ay sheegeen in Ciidamo ka tirsan Millateriga ay rasaas ku fureen ciidamada Nabadsugida oo Barta Koontorool ku sugnaa taas oo dagaalka dhalisay.

Inta la xaqiijiyey laba ruux oo shacab ah ayaa dagaalkaas ku geeriyootay oo kala ahaa Darawal Mooto Bajaaj iyo gabar la sheegay in ay ka mid aheyd Ardayda Sanadkaan dhameysay dugsiga Sare taas oo Magaceda lagu sheegay Ismahaan Salaad Khaliif.

Sidoo kale dagaalkaas waxaa ku dhaawacmay 3 ruux oo uu mid ka mid ah yahay askari ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya,waana isku-dhicii labaad oo mudo 24 Saac gudahood Ciidamada dowladda ku dhexmara Muqdisho.

Xaalada goobtii dagaalka uu ka dhacay ayaa Caawa degan,waxana uu ku soo aadayaa xilli taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Cabduweli Jaamac Gorod uu ka digay isku-dhacayda dhexmara ciidamada dowladda dhexdooda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media