Sawirro:-Dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ka socda Gobolada Jubbooyinka

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadaan Nawaaxiga degaanka hoostaga  Magaalada Bu’aale ee Gobolka Jubbada dhaxe.

Taliyaha Qeybta 43Aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya general Cali Maxamed Maxamuud Bogmadow oo la hadlay Idaacada Ciidamada Qalabka sida ayaa sheegay in la xoojiyay Howlgalada ka Socda gobolka jubbada Dhaxe.

Janeraal Bogmadow waxa uu sheegay in u jeedka uu yahay  sidii Al-Shabaab looga saari lahaa  Magaalada Buaale ee Gobolka Jubbada Dhaxe  oo ah Xarunta rasimiga ee Dowlad goboleedka Jubbaland.

Isaga oo sii hadyay ayuu sheegay taliye Bogmadow in Magaalada Buaale ay hada kaabiga ku hayaan Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland,sida uu hadalka u dhigay.

Hoos Ka Daawo Sawirrada Ciidamada Howlgalka ka wada Gobolka Jubbada Dhexe.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor