Sawirro:-Dhageyso:-Wararkii ugu dambeeyay ee shirka Dib u heshiisiinta ee ka socda Jowhar

Xubno uu ka mid yahay Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa Maanta Magaalada jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha dhexe ee Maamulka Hir-Shabeelle waxa ay ka fureen shir ku saabsan dib u heshiisiinta beelihii ku dagaalamay tuulooyin hoostaga degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa Goobjoog ka ah Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo uu ka mid yahay Xildhibaan Aadan Cali Xasan Jamhuuriya iyo Xildhibaano kale.

Kulanka oo hada weli ka scda Jowhar,ayaa Xildhibaan Adan Jamhuuriya oo Wareysi siiyay Radio Dalsan ayaa sheegay in Xildhibanada Golaha Shacabka ay waqti badan geliyeen sidii xal looga gaari lahaa dagaaladaas.

Waxaa kaloo uu hadalkiisa intaas ku daray in uu rajo ka qabo in shirkaas ay wax wanagsan ka soo baxaan islamarkaana xal laga gaaro dagaal beeleedyada so laab laabtay ee ka dhaca tuulooyin hoostaga degmada Cadalle.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in Madaxda Maamulka Hir-Shabeelle dhankooda ay waqti badan geliyeen xalinta dagaaladaas,iyaga oo suurtageliyay in Madasha ama shirka dib u heshiisiinta ah ee Maanta furmay ay hor boodayaan.

Hoos Ka Dhageyso Codka kana Daawo Sawirrada

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media