Sawirro:-Dhageysiga Khudbadaha musharixiinta Madaxweynaha KGS oo bilaabatay

Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya gaar ahaan Xarunta Baarlamaanka maamulkaasi ayaa waxaa goordhow ka bilaabatay Khudbad jeedinta Musharaxiinta Madaxtinimada Maamulka Koonfur Galbeed.

Musharaxiinta u tartamaya Xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Khudbaha jeedinaya ayaa ah Saddex Musharax oo kala ah

1:Aadan Maxamed Nuur (Saransoor)

2:Ibraahim Macalin Nuur

3 Xuseen Cismaan Xuseen

Ammaanka Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed  Soomaaliya ayaa Maanta si weyn loo adkeeyay,waxaana sugida amniga ka qeyb qaadanaya Ciidamadii dhawaan la geeyay Magaaladaasi iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor