Sawirro:-Safarada Somaliyeed ee Malaysia oo Deeq raashin ah gaarsiisay Qoysas Soomaali ah oo ku sugan dalkaas

Safiirka Safarada Somaliya ee wadanka Malaysia Ambassador Abukar Abdi Osman “Mardaadi” oo u wehliyo Xoghayaha sadexad Mr Aweis Abshir Dirie iyo qaar ka mid ah howlwadeenada safarada ayaa maanta deeq raashin ah soo gaarsiyay in ka badan 700 Qoys oo ka mid qoysaska somaliyeed ee Qaxootinimada ugu nool Wadanka Malaysia.

Deeqdaan ayaa noqonayso deeqdii ugu horeysay oo qaxootiga somaliyeed ee ku dhaqan wadanka Malaysia soo gaarta, iyadoo ugu timi safarada somaliyeed ee wadanka Malaysia. Waxayna ku soo aadaysaa iyadoo lagu jiro bisha barakaysan ee ramadaan oo ah bil ay bulshada somaliyeed ay garab istaag u muujiyaan kuwooda jilicsan.

Safiirka safarada somaliyeed ee wadanka Malaysia Ambassador Abukar Abdi Osman ayaa mar uu ka hadlayay munasabada deeqda lagu gudoonsiinayay todobada boqol ee qoys wuxuu balan qaaday in aysan noqon doonin deeqdii ugu danbaysay, balse ay noqon doonto mid bilaw u ah oo inta lagu jiro bisha barakaysan iyo wixii ka danbeeyaba ahaan doonto mid joogta ah, waxay ku qaatataba. Wuxuuna sidoo kale balan qaaday in uu si dhaw ugu war hayn doona baahiyaha gaarka ah ee muwadiniinta somaliyeed ee ku dhaqan wadanka Malaysia.

Mid ka mid ah hooyooyinka nasiibka u yeeshay in ay deeqda gudooman maanta oo ka hadashay munasabada ayaa amaan iyo ducaba iskugu darday howlwadeenada safarada oo uu ugu horeeyo Safiirka safarada Mr Abukar Abdi Osman iyo dowladooda.

“Wadankaan waxaa ku noolahay sagaal sano, safarada somaliyeed ee wadanka waxay shaqaynaysaa lix sanadood, weligeen maan arag safiir ka socda safarada marka laga reebo Ambassador Abukar Abdi Osman, oo intuu kursigii uu ku shaqeenayay ka soo kacay nala dareemay culeesyada na heesta guryaheena nagu soo booqday, weliba gacmihiisa nagu gudoonsiinayay deeqda uu inoo soo gartay in uu na soo gaarsiiyo, weliba anagoo filanaynin taasi oo farxad nagu abuurtay” ayay tiri mamada.

Waa markii ugu horeysay oo ay safarada somaliyeed Deeq raashin ah soo Gaarsiiso qaxootiga somaliyeed ee ku dhaqan Wadanka Malaysia bisha barakaysan ee ramadaan, iyadoo hore deeqo iyo agab waxbarasho soo gaarsiin jirtay caruurta qaxootiga ah si ay waxbarasho u helaan.

Wadanka Malaysia ayaa marti galinaya qaxooti aad u fara badan oo wadamo kala duwan ka yimid, haba ugu badnaadan Wadamada ay colaadaha ka jiraan, waxayna qaxootiga Somaliyeed ee ka mif ah qaxootiyadaas ay ugu duwan yihiin kuwa kale in ay garab istaag buuxa ka helaan safaradooda, halka kuwa kale ay wax ka sugaan hay’adaha UN-ka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media