Sawirro:-Dad ku geeriyooday dhismo dabaqyo ah oo ku yaalla Bangladesh

Ugu yaraan 5 qof ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyooday dab ka kacay Dhismo Gnaacsi oo ka kooban 19 Dabaq oo  ku yaalla caasimadda dalka Bangaladesh ee Dhaka.

Saraakiisha dalkaasi waxay sheegeen inuu dabka ka kacay gudaha Dhismo dabaqyo oo lagu magacaabo FR Tawar ee Deegaanka Banani ee magaalladaasi.

Afhayeenak Isbitaalka United Hospital, Sazaduur Rxamaan Shufo oo la hadlay Wakaalladda Wararka ee AFP ayaa sheegay inay 3 qof geeriyootay, kadib, markii ay iska soo tuureen dabaqyadda ugu sarreeya ee dhismahaasi, halka labo kalena ay u geeriyoodeen waxyeelladda dabka.

Dhinaca kale, Dad badan ayaa la rumeysan yahay inay weli ku go’doonsan yihiin Dhismahaasi oo ka mid ah kuwa ugu dhaadheer dalka Bangaladesh.

Dabkan ka kacay Dhismaha FR Tawer ayaa yimid, isbuucyo kadib, markii ay ugu yaraan 21 qof ku geeriyootay dab ka kacay bishii hore ee Feberaayo 21-dii Dhismo Bakhaar oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Dhaka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media