Sawirro:-Dab Xoogan oo qabsaday Xarun ku taalla dalka Sacuudiga

Qaar kamid ah Warbaahinta dalka Sacuudiga ayaa shaaciyay in dab xoogan uu qabsaday Xarun Tareeno laga raaco oo ku taalla Magaalada Jiddah ee dalka Sacuudi Carabiya.

Dabkan oo ah mid Xoogan ayaa qabsasay xarunta tareenka Xarameyn ee Magaalada Jiddah ee Boqortooyadda Sacuudiga,iyadoona uu socdo gurmad lagu deminayo dabkaas,

Sidoo kale goobta uu dabka ka socdo ayaa waxaa ku sugan gaadiidka dab-demiska Sacuudiga,waxaana cirka isku shareertay Uuro madow oo baxeysa Xarunta sida ka muuqatada Sawirro laga soo qaaday.

Wararka ayaa intaasi waxaa ku darayaan in uusan Dabkaas geysan wax Khasaaro nafeed ah,hayeeshee uu jiro oo kaliya mid hatiyadeed iyo burbur xoogan oo soo gaaray xarunta.

Ilaa iyo hada lama oga sababta keentay dabkii ka kacay xarunta tareenka Xarameyn ee magaalada Jiddah ee Boqortooyadda Sacuudiga.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media