Sawirro:-Dab sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka kacay Saldhig Tareen oo ku yaalla Qaahira

Telefishinka Dowladda Masar ayaa sheegay inuu barqanimadii maanta u udab ka kacay Saldhigga ugu weyn ee Tareenadda laga raaco ee magaalladda Qaahira.

Telefishinka waxa uu tilmaamay in dad lagu qiyaasay 20-qof ku geeriyoodeen dabkaasi, halka 40-kalena ku dhaawacmeen  dabkaasi.

Goobjooge ayaa u sheegay Warbaahinta inuu dabku ka kacaykacay, kadib, markii uu Tareen jiiray Xayndaab ku hor gudbanaa Saldhigga Tareenadda ee Ramsees oo ku yaalla bartamaha magaalladda Qaahira.

Muuqaallo iyo sawiro la soo dhigay Baraha Bulshadda ayaa waxaa laga arkayey Qiiq madow oo cirka isku shareeray iyo kooxaha gurmadka oo ku hawlan sidii maydadka iyo dhawaacyada looga soo saari lahaa Saldhigga Tareenadda ee uu dabku ka kacay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media