Sawirro:-Dab ka kacay Guri ku yaalla Degmada Yaaqshiid

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dab geystay Khasaaro hantiyeed oo Maanta ka kacay Guri ku yaalla inta u dhaxeysa Baar ayaan iyo Isgoyska Hotel Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Dabka guriga uu ka dhacay ayaa waxaa la sheegay in uu ka tirsanaa Waaxda Horseed ee Degmada Yaaqshiid,iyadoo dabka uu ahaa mid xoogan,kaasi oo ka dhashay koronto.

Dad goobgoogayaal ah ayaa waxa ay inoo sheegeen in goobta uu dabka ka kacay uu soo gaaray mid kamid ah Gaadiidka Dab-damiska ay leedahay Shirkadda Hormuud iyo dadweyne farabadan,kuwaasi oo markii dambe ku guuleystay daminta dabkaas.

Sidoo kale waxaa tegay halkaasi oo ka qeyb qaatay daminta dabka Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir,iyadoona gabi ahaanba dabka uu baabi’iyay Guriga.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media