Sawirro:-Dab ka kacay goob Ganacsi oo ku taalla Muqdisho

Dab ka kacay goob Ganacsi oo ku taalla Muqdisho ayaa uuradiisa laga arkay inta badan degmooyinka Gobolkan Banaadir ayaa Goordhow waxa uu ka kacay Goob lagu iibiyo Shidaalka oo ku taalla kasoo horjeedka  Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya.

Dabka ayaa kusii faafay Goobo kale oo Ganacsi oo ku yaalla Goobta Shidaalka lagu iibiyo oo ku taalla inta u dhaxeysa  Isgoysyada Soobe iyo Banaadir ee Magalada Muqdisho,waxaana ku sugan dad farabadan oo la tacaalayo sidii dabkaasi loo demin lahaa.

Khasaaro hantiyadeed ayaa la sheegay in uu geystay wallow aan sirasmi ah weli loo shaacin waxa sababay in dabkaasi uu kaco.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor