Sawirro:-Daahfurka Machadka Raas Institute for Policy Analysis iyo Cilmi baaristii ugu horeysay

Waxaa si rasmi ah daahfur loogu sameeyey Machadka Cilmi Baarista ee “Raas Institute for Policy Analysis”, iyadoo sidoo kalena munaasabadan lagu soo bandhigay Cilmi Baaristii koowaad ee Machadku ka diyaariyay “Muhiimada Xiriirka Soomaaliya iyo Turkey”.

Munaasabada ayaa waxaa ka soo qeybgalay Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Xukuumada Federaalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, xildhibaano, Senataro, xubno matalayay Axzaabta dalka iyo hogaamiyeyaal mathilayay bulshada rayidka ah.

Ugu horeyn waxaa halkaasi lagu soo bandhigay Cilmi baaristii ugu horeysay ee Machadku sameeyey taasoo uu ka diyaariyay “Muhiimada Xiriirka dalalka Soomaaliya iyo Turkey”, waxaana si faah faahsan u soo bandhigay labada Aqoonyahan ee kala ah Dr. Ibraahim Faarax “Bursaliid”, oo ah barre Jaamacadeed, ahna khabiir dhanka xiriirka arrimaha Dibedda iyo xallinta dagaalada iyo Prof. Cabdi-wahaab sheekh Abdisamad oo isaguna ah barre jaamacadeed, taariikh-yahan kuwaasoo hogaaminayay kooxdii ssmeysay Cilmi baaristan, iyaga soo jeediyay tallooyin wax ku ool ah kuwaasoo adkeynaya jiritaanka iyo horumarka xiriirka labada dal.

Aas aasaha Machadka Raas Institute for Policy Analysis ahna agaasimaha guud Dr. Cabdillaahi Xaashi “Abiib” oo ka hadlay munaasabadan ayaa faah faahin ka bixiyay ujeedada loo aas aasay “RAAS”, oo ah Rugta aragtida aqoonyahanka Soomaaliyeed, isla markaana ah Machad madaxbanaan, isaga oo xusay inuu arkay baahiweyn oo ka jirta dhanka Cilmi baarista ayna aad u yartahay xarumo Cilmi baarista ka shaqeeya, isla markaana loo baahan yahay in bulshada laga dhiso dhanka Cilmiga si ay u gartaan halka loo socdo iyo weliba masaafooyinkii la soo maray.

Ra’iisal wasaare kuxigeenka xukuumada federaalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo munaasabada ka hadlay ayaa ku amaanay howsha is xilqaanka ah ee bahda RAAS, waxana uuna ku taliyay in Cilmi baarisyada soo socda laga sameeyo dhanka siyaasada arrimaha dibedda ee dalka iyo mushkiladaha ku gadaaman, maadaama dalku soo maray waqtiyo kala duwan oo hadba dowlado shisheeye Jaal aanu la noqoneynay ugu dambeystana fashil ku dhamaanayay.

Gabagabadii ayaa waxaa xariga ka jaray Machadka Raas Institute of Policy Analysis Ra’iisal wasaare kuxigeenka iyo agaasimaha guud ee Machadka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media