Sawirro:-Ciidamo Cusub oo lagu wareejiyay amniga Degmada Warsheekh

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Maanta lagu wareejiyay amniga guud ee Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidanka Hirshabeelle ayaa amniga Degmada Warsheekh kala wareegay Ciidamo ka tirsan AMISOM oo muddo 5-sanno iyo bar gacanta ku haayay,isla markaana halkaas ku lahaa Saldhig Ciidan.

Munaasabadda amni wareejinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meeyre Makaraan (Axmed Faal),Taliyaha Ciidanka Booliska Hirshabeella G/sare Xasan Dhicisoow, siihayaha Guddoomiyaha Degmada Warsheekh Col. Axmed Xuseen Axmed (Shiidka) iyo saraakiil kale.

Dad ku sugan Warsheekh oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in Ciidankii AMISOM ee ku sugnaa halkaas ay gebi ahaan ka guureen,isl markaana waxaa fariisimihii ay lahaayeen degay Ciidanka Booliska Hirshabeelle.

Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxaa ay kamid tahay Degmooyinka ugu amniga wanaagsan ee ku yaalla Gobolkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media