Sawirro:-Ciidamadii ku daabushay Dowladda Gedo oo hub loo qeybiyay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalmo kahor Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Kumaandooska Gorgor ku daabushay degmada Luuq ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, kuwaasi oo laga qaaday Magaalada Muqdisho.

Ciidamadaas oo laba maalmood oo xiriir ah lagu daabulay degmada Luuq ayaa Maanta waxaa dowladda Federaalka ay siisay hub badan oo loogu tala-galay inay heystaan Ciidankaas la geeyay Gedo.

Sawirro laga soo qaaday Ciidanka oo warbaahinta heshay ayaa muujinayay in gacanta loo geliyay qoryo kala duwan, sida AK-47 iyo qoriga daran-dooriga u dhaca ee Soomaalida u taqaano Daba-jeexa ama Daba-miinshiirka.

Ciidanka ku daadureysay dowladda Federaalka degmada Luuq ayaa waxaa la tilmaamay in qaarkood ay ku jiraan kuwo lagu soo tababaray Magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eretariya, kuna biiray Ciidanka dowladda.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in inta badan Ciidanka dowladda ee la geeyay Luuq loo sii gubiyay dhinaca Magaalada Balad-xaaqo gaar ahaan dhinaca xuduudka ee SOomaaliya iyo Kenya.

Degmooyin ka tirsan gobolka Gedo ee maamulka Jubbaland ayaa waxaa ku sugan Ciidamo farabadan oo ka tirsan, kuwaasi oo  horey loogu daabulay halkaas, waxaana ka taagan khilaaf u dhexeeya dowladda iyo maamulka Jubbaland.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media