Ciidamada Dowlad goboleedka Puntland ayaa Saacadihii la soo dhaafay waxa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Buuraha Cal Madoow ee gobolka Bari Puntland.
Saraakiisha Ciidamada Puntland ayaa waxa ay Warbaahinta u sheegeen in howlgalladan oo intooda badan laga sameeyay deegaano ay ku xoogan yihiin Kooxda Daacish-ta Soomaaliya ee dagaalka kula jirta Puntland.
Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Puntland oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa arkayay iyaga oo howlgallo ka wada Aaga buuraha Cal Madoow oo Gobolka Bari balse majiro wax dagaal ah oo dhex maray ciidamada Puntland.
Daacish-ta Puntland ayaa dhowr mar waxa ay deegaano ka tirsan Maamulkaas ka fuliyeen weeraro isugu jira qaraxyo iyo dilal balse Madaxda Puntland ay sheegayaan in ay ka saari doonaan Buuraha ay ku jiraan.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Holwgallada.