Howlgal xalay ay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Kaaraan ee Gobolkan Banaadir ayaa waxa aay gacanta ku dhigeen waxyaaba laga shakiyay iyo Shaqsi watay.
Ciidamada oo garab ka helayay Maamulka degmada Kaaraan ayaa waxa ay howlgalka ka sameeyeen Xaafada Nageyle ee degmada Kaaraan,waxana la soo bandhigay,waxyaabo ay ka mid yihiin Taleefoono,Fiiloyin la isku xir xiray iyo Agab kale oo laga shakiyay.
Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa u sheegay Radio Dalsan in sidoo kale ay Gacanta ku dhigeen Nin waxyaabahaas hayay,isla markaana ay baaritaan ku hayaan.
Maamulka degmada Kaaraan oo aan la xiriirnay dhowr mar si aan wax uga weeydino howlgalkaas ayaanan ka jawaabin taleefoonadeena.