Sawirro:-Cali Guudlaawe oo la kulmay Saraakiil ka tirsan Ciidamada AMISOM

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa Xarunta Madaxtooyada Hirshabeelle ee Magaalada Jowhar kulan kula qaatay Saraakiisha Sar Sare ee Ciidamada AMISOM Sector-kooda 5aad.

Kulanka u dhexeeyay Cali Guudlaawe iyo Saraakiisha Sar Sare ee Ciidamada AMISOM ayaa waxaa looga hadlay arrimo kala duwan,isla markaana waxaa kamid ahaa howlgalada Ciidamada ay ka wadaan deegaanada Hirshabeelle.

Sidoo kale Kulanka ayaa waxaa labada dhinac ay uga wada hadleen sidii Howlgal Qorsheysan oo mid ah loogu qaadi lahaa Dagaalamayaasha Al-shabaab ee ku sugan deegaano ka tirsan dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Ammaanka guud ee Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle ayaa Maanta aad loo adkeeyay,waxaana inta uu kulankaas socday la xiray Wadooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta Madaxtooyada Hirshabeelle.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media